Banaadiriga iyo Marxalada siyaasadeed.

Waxan mar walbo jeclahay inaan aruuriyo Taarikhaha Bulsho weynta Banaadiriga lana barbar dhigo Marxalada ay maanta ku sugan yihiin. Burburkii dawladii Kacaanka ka dib bulshada Banaadiriga waxay noqdeen kuwa dulman oo waxa soo food saaray dhibaatooyin aad u weyn maadaama ay ahayeen bulsho aan hubeysneen. Banaadirigi waxay noqdeen kuwa dalka kaso baro kacay iyo kuwa dalka ku haray oo isku dayey kaliya siday nafsadood iyo hantidood ku badbaadsan lahaayeen.Hadaba markii uu bilowday nabadeynti Somaliya ayaa waxa banaadiriga u kacay rag uu hormuud u ahaa Alle ha u naxariiste Advocate Maxamed Raajis oo ka mid ahaa halgamayashii dalka somalia, xilal kala duwana kaso qabtay Dawladahi dalka soo maray, waxayna dib uso nooleeyeen Magacii xisbigi Banaadiri SANU oo uu Raajis Gudoomiye ugu  noqday halka ku xigeen uu noqday Advocate Maxamed Aweys Afrax Alle ha u naxariisto oo asagana ka mid aha ragii laso shaqeeyey dawladahi dalka so maray.Nidamki 4.5 ee lagu hirgaliyey Heshiiski Carta Banaadiriga aad ayey u diidanayen sababto ah bulshada Banadiriga waa bulsho taariikh fog leh, degtana deegano badan.Si kastaba ha ahaato Dawladii TNG ee madaxweyne ka ahaa Cabdiqasim Salaad Xasan way la shaqeeyeen Banadiriga ayago mar walba ku dadalayey Nabad ka dhalato Carada Somalia. 2002 Markii uu furmay Heshiisinti Dawladii TNG iyo Mucaaradka SRRC kana furmay Dalka Kenya Magalada Eldoret Gudoomiye Raajis iyo xisbigii uu hogaminayey oo ka qeyb galay shirkas aya waxa si kadis ah 22/11/2002 ku geeriyooday Advocate Maxamed Rajis Alle ha u naxariisto,waxana xisbigii SANU ku yimid AYAAN DARO weyn ka dib marku gacanta u galay Rag an siyaasada Aqoon u laheen.Geerida Marxuum Raajis ka dib Siyaasadii Banaadiriga ee ku dhisneyd BANADIRINIMADA waxay isku bedeshay KOOXEYSI, waxa bilowday Qilaaf siyasaded Advocate Maxamed Aweys Afrax ayaa iska casilay xilkii.Waxa xilkii Gudmiyaha xisbiga SANU si ku meel ah u qabatay Xaaska Marxum Raajis Marwo Fahma Axmed Nur. Banadirigii waxay u kala jabeen laba koox oo ay kala hogaminayan Maxamed Cisman Maye iyo Fahma Axmed Nur.Siyaasadi Banadiriga ee mudada fog soo aheyd mid an marnaba lagu kala saarin bulsho weynta Banadiriga aya noqotay mid Qabyaalad ku dhisan.Waxa soo baxay Qabaa’ilo sheeganayo in Hogaanka Banadiriga ay ayaga yihin.Hadad u fiirsato kuraasta 6da Xildhiban ee beelaha Banadiriga haatan ku matalay Golaha Barlamaanka Somalia waxay noqden kuwa ku kooban kaliya kooxahan ku looltamay siyasada banaadiriga.Hadaba waa kuma Kooxaha isku heysto siyaasada Banaadiriga? 1=Fahma Axmed Nur oo beel ahaan kaso jeedo Bandhawoow Laakiin kursiga ay ku fadhido uu yahay kii ay ka dhaxashay seygeeda Marxuum Raajis oo u dhashay beesha Moorshe.2=Maxamed Cismaan Maye oo u dhashay beesha Shaanshi.Labadan shaqsi ee kasoo kala jeedo laba beelood oo Banaadiri ah ayaa siyaasadii Banaadiri hormuud u noqday ayagoo uu ka dhaxeeyo xifaaltan aad u xun,Fahma Axmed Nur ayaa waxay sameysatay rag xulufo la ah oo uu u horeeyo Caamir Shakeeti oo u dhashay Beesha Camudi iyo Shariif Maxamed Siidii oo Beesha Reer Faqi ah.Halka Maxamed Cismaan Maye uu xulufo ka dhigtay Beesha Asharaf iyo Rag ka tirsan Beesha Moorshe iyo Beesha Iskaashato.Markii uu geeriyoday Marxum Maxamed Cisman Maye oo kooxo hubeysan ku dileen Magalada Baydhabo waxa booskiisa qabtay Ninka ay isku qabiilka yihiin Jeylaani Nur Iikar.Waxa xigay in Fahma iyo Jeylaani  ay sameyeen laba Oday oo ay ku tilmameen inay yihiin labada Oday ee Banaadiriga ayago u kala doortay laba oday oo beelahood kaso kala jeedo waa Malaaq Buuwe Muude iyo Imaam Cismaan Yaroow.Labadan Oday ayaa ka mid noqday 135tii oday dhaqameed ee Dawlada ansixisay. Hadaba Siyaasadi Banadiriga waxay noqotay mid ku saleysan Qabiil,ilaa waqtigana waxa is heysto oo aad mar walbo ku arkeysaa baraha bulshada waa qaba’iladan Shaanshi iyo Bandhawow halka dhan ka kale aad arkeyso Moorshe oo ku doodayo in Xaqiisa ay ka dhacday Fahma Axmed Nur oo heysato Kursigii Av Raajis.Waxa Abuurmay Naceyb qaba’ilada Banadiriga dhexdod ah,kaas oo salka ku hayo siyasadan an kor ku xusnay. 20/03/2012 Xaflad ay soo qaban qabisay Fahma Ahmed Nur aya lagu qabtay Hotel Shamow oo Gudomiye Loga doortay Xisbigii SANU Shariif Maxamed Siidii halka ku xigeen u noqday Caamir Shakeeti oo dhamaantod wada aha Xildhibano,taas oo ku mujineyso xulufeysiga ka dhaxeyo shaqsiyadkan.Banadiriga waa qaba’ilo deegaan ka dhaxeyo kana kooban 49 qabiil,nasiib darase aan ka muuqan masraxa siyaasada,waxayna siyasadii gacanta u gashay shaqsiyad marba dhan u roga.2016 xiligii Doorashada Xildhibanimada Fahma waxa soo wajahay dhibato aheyd in Malaaq Buuwe Muude oo 135 ka tirsana uu dalka ka baxay degayna Dalka Holland,Dawlada aya codsatay in banadiri ay kenaan oday kale,Fahmo aya arintas ka diiday oo Waxay sheegtay booskan Odayga Banadiri uu noqon karo kaliya oday BANDHAWOOW.waxayna dooratay Cumar Dacas oo an waxba siyasada kala socon laakiin Fahma ka amar qaadanayo. 2016 waxa is soo sharaxay shaqsiyad banadiri ah balse an ka mid aheyn kooxahan waxana dhacday in labadii Oday ee ka tirsana 135 oo ka kala amar qadanayey Jeylaani iyo Fahma ay Diideen Musharaxintii.Waxa kale oo la yaab ku noqotay bulshada banaadiri in Musharax walbo oo donayo inu xilkan isku soo sharxo ay qasab tahay inu Ogolansho ka raadsado FAHMA IYO JEYLAANI.Hadaba Dawlada Somaliya waxa Haboon inay arimahan Banadiriga ay u yeelato Foojignaan dheeri ah oo ay iska ilaaliso inay garab istaagto kooxeysigan, ayna ogsoonaato in Banaadiriga ay yihiin Bulsho ka kooban qabaa’ilo badan oo Marna ay suuro gal noqon karin in dhawr beelood ay Awoodii is laheysiyaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.