Taariikhda Beelaha Banaadiriga.

Beelaha Banaadiriga waa beelo somaliyeed kana soo jeedo dhulka koonfurta somaliya. Deeganada ay degaan waa dhulalka xeebaha ee lisku oran jiray BANAADIR. Dhulkaas wuxuu ahaa dhul ay ka jirtay ilbaxnimo aad u weyn sida ay sheegeen rag taariikhda aduunka caan ku ah oo uu ka mid yahay Badmareenkii  Moroccan’s ahaa ee Ibn Battuta markii uu safar ku yimid magaalada Muqdisho uuna ku tilmaamay meel qurux badan lana kulmay dad soo dhaweynta martida aad u jecel.Waxa kaloo jiro oo ka hadlay arintan Portuguese kii la oran jiray Vasco Da Gama qarnigii 15aad in Muqdisho ay aheyd Magaalo weyn,daaro dhaadheer leh iyo masaajido mindharo leh.Mogadishu_marketplace_1882

waxa intaa sii dheer qoraagii Portuguese  ahaa ee Duarte BarBosa 1485 safarkiisa Bahrain in uu Muqdisho ku arkay dekad uu ganacsi weyn ka socdo, Maraakiib iyo doomo kusoo xertaan,Ganacsigaas oo uu ku sheegay in Muqdisho laga qaadi jiray Dhar (TOOB BANAADIR),Xawaash iyo waxyabo badan.Dalalka xiriirka ganacsi la lahaa Muqdisho waxay ahaayeen Egypt, Arabia ,Persia, Malindi and Mombasa. Sanadkii 1435 boqorkii xakumi jirey Ming China waxay heshiis la galeen dadka reer Banaadir,waxayna China u dhoofin jireen Cambarta,Dhagaxa iyo xoolaha door joogta ah oo ay ka mid ahayeen Gariga iyo Dameer Farowga taas oo keentay in dadkii Banaadiriga iyo Somalidii kale ee deeganada Konfurta deganaa ay yeeshaan xiriir ganacsi aad u xoog leh.Banaadiriga waxay ahaayeen dad xadaarad leh waxayna isticmaali jireen xelado ay dadka kusoo jiitaan waxana ka mid ahaa xeeladahas( marka uu dalka yimaado nin boqor ama caalim ah inay usoo dhaweyn jireen si heer sareyso ayna siin jireen hadiyo ay ku muujinayan wax soo saarkooda taas oo u suuri gelin jirtay in wax soo saarkooda meel walba laga ogaado sida manta ay caalamka horumaray sameeyaan oo ah Free trial).,,,,,,,,,,,,,,,,,, la soco qeybta 2aad iyo Taariikhda Qabaa’ilada Banaadiriga

4 thoughts on “Taariikhda Beelaha Banaadiriga.

  1. Maashaa Alaah waa Taariikh rasmi ah haddii Ilaah laga cabsanaayo oo aan caad ku jirin Ilaah Janno ha ugu abaal mariyointii aasaasatay oo maal iyo nafba u hurtay

    Liked by 1 person

Leave a comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.