Sidan ku soo sheegnay Qoraalkeenii hore Banaadiriga waa dad wadaaga Diin dhaqan iyo deegaan, waa dad ka Kooban qabaa’ilo kala duwan, qaar waxay ka soo jeedan Carab,Perisian iyo kuwa ku abtirsado Qabiilo somaliyeed, Xaqiiqdana waxa ah in Kuwaa ku abtirsado Somalida inay yihiin kuwa uGu horeeyey ee deegaankaas looga yimid.Banaadiriga waa kusoo kala horeeyeen imaatinka dhulkan Banaadir.
Burburkii Saldanada Ajuuraan ka dib ayaa waxa dhacday in dadka ku abtirsado beesha Ajuuraan ay noqdaan dad la dhibaateeyo ama target u ah gumeystahii Portuguese oo ahaa dawladii burburisay saldanadii xooga badneyd ee Ajuuraan ee xukumi jirtay dhulka geeska Africa Qarnigii 13aad.Burburkaas ka dib Qabiilka Ajuuraan la oran jiray waxay u kala qeyb sameen jufooyin badan oo ilaa hada waxad maqleysaa (dad ku oranayo Ajuran ayan ka soo jeednaa).la yaab maleh waa dhaqamada lagu yaqaan Gumeystaha in dadkii uu u arko cadow ama ka horyimaada dhagarta gumeystaha ay baabi’iyaan ama tirtiraan taariikhdooda bani’aadamnimo.Tusaale waxa kugu filan dadka loo yaqaan KURDI ee manta loo kala qeybiyey dalal kala duwan.
Hadaan dib ugu soo noqono mawduuceenii ahaa Qabaa’ilada Banaadiriga waxay u kala qeyb samaan 4ta Xamar oo kala ah:
1=Moorshe oo ah qabiilkii uGu horeeyey ee Muqdisho soo degay,asalkoodana ku abtirsado Ajuuraan, Waana Qabiilka Asal ahaanta leh MALAAQNIMADA BANAADIRI,inkastoo beel walba oo banaadiri ah ay gooni u leedahay DUUB.
2=Bandhawoow oo ah Qabiil ku caan ah sameynta dharka ALINDIGA,Bandhawoow maahan hal qabiil ee waa dad magacaa ku midoobay oo ah farsamada sameynta Dharka.waxayna iskugu jiraan qaar ku abtirsada asal ahaan Carab, iyo kuwa ku abtirsado qabaa’ilo somaliyeed.
3=Iskaashato oo ah Magac ay ku midoobeen qabaa’ilo asal ahaan ka soo kala jeedo Carab iyo Somali kalana ah Reer Sheekh Muuminoow, Reer Maanyo,Reer Askareey iyo Reer Indho weyne iyo Reer Shamsi.waxana uGu badan Qabiilka la yiraahdo Reer Maanyo oo ay ku mideysan yihiin 4beelood oo wadaagta Magaca Reer Maanyo.
4=Dhabarweyne oo ah qabiil ku abtisado asal ahaan somali Laakiin waxa ku mideysan oo ay wadaagaan magacas Shaanshi oo asalkeeda ah Persian,iyo Qalinshube oo ah dadka ku caan baxay sameynta Dahabka iyo Qalinka oo asal ahaan ka soo jeedo Carab.
Afarta Xamar hadan halkaa uGu baxo waxa jiro 5ta Shangaani kuwa la isku yiraahdo oo kala ah:
1=Asharaf oo asal ahaan la soo jeedo Carab
2=Camuudi oo asal ahaan ka soo jeedo Carab
3=Reer Faqi oo asal ahaan ka soo jeedo Carab
4=Reer Sheekh iyo Cabdisamad oo asal ahaan ka soo jeedo Carab
5=Reer maanyo oo ay ku mideysan yihiin kuwa Asal Carab ah iyo kuwa Asal ahaan Somali ah kuna midoobay Xirfada Bada ama Maanyada.
Waxa jiro dhawr Qabiil oo Banaadiri ah oo aan ku jirin 4ta Xamar iyo 5ta Shangani Laakiin aan shaki ku jirin inay yihiin dad Banaadiri ah sida Qabiilka Sadaxgeedi oo asal ahaan ku abtirsado Somalia iyo kuwa kaleba, waxa kaloo jiro 12Koofi kuwa la isku yiraahdo oo degan dhulka shabeelada Hoose.
Banaadiriga deeganada ay degan yihiin ama ayba asal ahaan u deganaayeen waa Degmooyinka uGu qadiimsan Somalia uguna Taariikhda dheer uguna Xadaarada badan.Xamar waxay degaan Banaadiriga Xamarweyne, Shangaani,C/casiis/Kaambo amxaaro,Boondheere,Waaberi,iyo Xamarjajab/ Ansalooti Degmada. Xamarweyne oo runtii taariikhdeeda la soo koobi Karin waxana ku yaalo Masjidkii uGu horeeyey ee Muqdisho Al Fekhrudin, waxana la qiyaasaa in la dhisay sanadkii 1269kii.waqtigaas oo ay deegaankaasi maamuli jireen Saldanadii Ajuuraan.
Xamarweyne waxa kale oo ku yaalo Masjido Badan oo taariikhdooda la soo koobi Karin iyo dhismayaan Caan ah, Xamarweyne waxay Caan ku aheyd Ganacsiga waana Suuqii ugu Caan sanaa Africa sida ay qoreen Taariikhyano badan.Maadaaba ay dadka Banaadiriga ahaayeen dad xirfado ku caan baxay ayaa suuro gelisay in Boqortooyadii Roman ay ka dhisto Dekat ama Furdo ay ugu magac dareen (Sarapion) dhul xeebeedka u dhaxeeyo Xamar ilaa Warsheekh,si ay ugu dhoofistaan Ganacsigooda uguna soo dego. Banaadiriga ayaa dekataas waxay u aheyd halka ay noloshooda ku xeran tahay,waana halka ay ku caanka yihiin oo ah dhulalka Xeebaha Somalia.
Asc waxaad qortay taariikhda banaadiriga si kooban aad ayaana u mahadsan tahay blse ma moodaa inaad ka tagtay reer aadan dheere oo ah dad banaadiri oo so jireen ah isla markaana ka so jeda carabta yamaneed oona ka mid ah dadki ku so dhaweeyay asharaaf dhulka somaliya
Thank you sidaad noogu sheegtay taariikhda Reer Abdisamad waana saxeynaa qaladadka yaryar ee soo baxo hadafkeenana waa in Taariikhda beelaha Banaadiriga loo qoro dhalinteena soo koreyso
asc waxaan kuu sheegaya in aad wax yar aad ka taqaan reer banaandiga ee si fiican u baro
ka dibna ila soo xiriir maxaa yeellay reer banaanadir intaaa aad sheegtay way ka banadan yahiin
ee la soco si fiican u baro taariikhda. Qawacilka shangaani mataqaan , ila soo xiriir si aan kuu baro
byyyy
Waa taariiq dhab eh una baahan inla gaarsiiyo jiilka naga danbeyo
LikeLiked by 1 person
Qabaa’ila da Oo Reer Xamar Taariikhda Ay Soo Dageen Xamar Iyoo Xiligii Ay Soo Aas Aasmeen Ma Nooshigi Kartaa Fadlan?
LikeLiked by 1 person
Asc waxaad qortay taariikhda banaadiriga si kooban aad ayaana u mahadsan tahay blse ma moodaa inaad ka tagtay reer aadan dheere oo ah dad banaadiri oo so jireen ah isla markaana ka so jeda carabta yamaneed oona ka mid ah dadki ku so dhaweeyay asharaaf dhulka somaliya
LikeLike
walaal Reer Aadan dheere taariikhdooda hadaad heysto ila soo socod sii aniga muhiimadeyda waxay tahay inaan taariikhaha banaadiriga aan dhan walba ka qoro sida saxda ah.anigoo kaashanayo odayadeena iyo waalidiinteena
LikeLike
waxaan ku weedihaa reer Aadan Dheere Carab Yaman yeey ka yihiin ?
LikeLiked by 1 person
Banadiri Adal ah Ciwaan oo lagaa xariiro maleedaha Sida Facebook ama Gmail ?
LikeLiked by 2 people
Very nice infomation, hard to read for me but thanks for posting it!
LikeLiked by 1 person
Asc reer shiikh ama Cabdisamad ayaad tiri reer shiikh iyo Cabdisamad waa laba qabiil oo kala duwan laakiin shangani isla deggan. Cabdusamed wuxuu kasoo jeedaa yemen shabwa waana qaxtaniyiin sidaas ula soco.
LikeLiked by 1 person
Thank you sidaad noogu sheegtay taariikhda Reer Abdisamad waana saxeynaa qaladadka yaryar ee soo baxo hadafkeenana waa in Taariikhda beelaha Banaadiriga loo qoro dhalinteena soo koreyso
LikeLike
asc waxaan kuu sheegaya in aad wax yar aad ka taqaan reer banaandiga ee si fiican u baro
ka dibna ila soo xiriir maxaa yeellay reer banaanadir intaaa aad sheegtay way ka banadan yahiin
ee la soco si fiican u baro taariikhda. Qawacilka shangaani mataqaan , ila soo xiriir si aan kuu baro
byyyy
LikeLike
wcs wixi aan naqaan inaan uso bandhigno dhalinyarada ayaan isku dayeynaa adigana waxan kaa codsanaya wixi aad taariikhda ka heyso soo bandhig oo dhalinyaradeena u fa’ideey
LikeLiked by 1 person
Horta ma xuma inaad taariikh Banaadiri ka hadashid, sababtoo ah waa wax laga doodi karo oo qof kasta wuxuu maqlay ama la qoray ayuu lasoo shir tagaa. Laakiin waa iga su’aale! Meesha ay reer Banaadir kasoo jeedaan ma weeydiisay dadka u dhashay oo aan filayo inaad ka mid tahay? Aniga horta waxba iima kordhineyso inaan ogaado meeshaad kasoo jeedo, laakiin waxa meeshan aan ku arkay ayaa la yaab igu noqday – dhamaan qabaa’ilada aad soo qortay waxaad afka u gelisay Carab iyo soomaali – illaa qabiilka alshaashi oo aad iiraan ku sheegtay ! maba xuma, Laakiin kuwa aad carabta afka u galisay, ma iyagaa kuu sheegay? ilamay aha. Waxaan kugula talin lahaa, Soomaali waan wada nahaye, hadiiba aad Banaadiri asalkooda dib u raaceyso weydii qoowmiyad walba halkey kasoo jeedo odayaasheeda waa hadii ay taariikhda aad qoreyso dhab kaa tahay.
LikeLike
walaal aniga oo aan wareysan odayada dhaqanka iyo taariikhda yaqaan ma qorin oo Taariikhda Banaadirina maahan mid dahsoon oo waqtiga ay yimaadeen iyo goobaha taariikhiga ah ay degaan ayaa la hayaa
LikeLiked by 1 person
Asc wr wb waan idin salamy walal dad kan aad kusheegaysaan carab mahan waxan maqlay waa boortaqiis ayo talyaani dhabbaa walal thanks
LikeLike
walaal Bortuqiis iyo Talyaani waqtigey imanayen dadkan Banaadiriga dhulka Somaliya way joogeen 1581 ama 991Hijriya ayuu Portuguese caradeena yimid. Banaadirigana waxay Somaliya so degeen 149 Hijriya
LikeLike
I see nothing about Reer Gameedle.
LikeLiked by 1 person
insha allaah waan soo qoreynaa Gaameedle iyo taariikhda fog ay leeyihiin
LikeLiked by 1 person
Waan idinsalamy shaanshidu xagey kasoo jeedaan
LikeLiked by 1 person
walaal Shanshi waxay kasoo jeedaa Imaam Abu Bakar Al Qaffali Al Shanshi oo asalkiisa ah Persian kuna aasan magaalada Tashkent
LikeLiked by 1 person
Fadlan noofaahfahi sideey ukala baxaan iyo aslkooda adigoo mahadsan
Qabiiladaan maadaama soomaali isdhexgashay oo iskufaaftay
Insha Allah mustaqbalkane isjeclaato marba hadii leesdhalay
Sadaxgeedi
12koofi
Baajuun
Haatim
Biida
Ayaga
LikeLiked by 1 person
Waxaad ka tagtey Beesha shiikhaal gendershe…mahadsanid wll… Hadaad u baahatid taariikhda gendershe ila soo xiriir 0616316767
LikeLiked by 1 person