Side Ayuu ku Baxay Magaca Reer Manyo?

Magaca Reer Maanyo waa Magac ay baxsadeen dad ku midoobay ama ay ka dhaxeysay Xirfad Badeed, ahaana dadkii maamuli jiray Dekedii Xamar iyo Marko.Magacan Reer Maanyo sababta ay ula baxeena waa markii Gumeysiga Talyaniga yimid dhulka Somalia oo uu damcay in dekadii uu gacantii dadkii haayey ka bixiyo,Qabaa’iladan oo ahaa waqtigas dad dhaqaalaha Xamar iyo Marko ee Export iyo Import maamulo ayaa waxay go’aan sadeen inay magac ay ku midoobaan kuna badbaadiyaan dhaqaalahood la baxaan. Maanyo waa eray la macno ah BAD.Taariikhda Banaadiriga hadaad dib ugu noqoto waxad ogaaneysaa in banaadiri ay ahaayeen dad xirfado ku caan baxay kuna walaaloobay, magacyadoodna aad ka garan karto sida Bandhawoow oo la macno ah DUN SAMEEYE, Qalin shube oo ah kuwa Qalinka iyo dahabka sameeyo, reer Maanyo oo ah dad Xirfada Bada ku can ah iyo kuwa la mid ahba.Reer Maanyo waxay ka tirsan yihiin Qabaa’ilada Banaadiriga gaar ahaan ISKAASHATO. Reer maanyo waxay xiriir ama walaaltinimo weyn ka dhaxeysaa qabiilka Moorshe oo la isku wada yiraahdo ISKAASHATO MOORSHE. Moorshaha oo la sheego inuu ahaa Qabiilkii ugu horeeyey ee soo dego dhulkan xeebaha Somalia ayaa ah Qabiil asal ahaan ka soo jeedo Boqortooyadii Ajuuraan, Moorshe waxa la sheegaa inuu ahaa Qabiilkii soo dhaweeyey dadkan Iskaashato la isku yiraahdo.Reer Maanyo waxay kala degaan Marko iyo Xamar, waxay u kala baxaan  4 beelood oo Xamar degto iyo 4 Marko shabeelada hoose degto.Reer Maanyo waxay iskugu jiraan oo Magacas ku midesan qabiilo asal ahan ka soo jeedo Carab iyo kuwa Somali ahba waana sidan hoos ku qoran:

Xamar 4ta degto:

1=Reer Macow oo ah dad asal ahaan ka soo jeedo Carab Yemen Xadramoud, Qabiilkoodana la yiraahdo Baamukhtaar,Reer macow waa beesha ugu weyn inta ku midoobay Magaca reer Maanyo.waxayna degaan Xamar ilaa Marka.Xamar waxay degan yihiin beeshan Degmada Shangani, degmada C/casiis iyo degmada Xamarweyne/ Buurfuule iyo aawoow aweyska.Shabeelada hoose Marka waxay degan yihiin Xaafada Awbaale iyo Xafada Ruusiya.

2=Reer Shaawis oo ah dad asal ahaan ka soo jeedo carab Yemen Meheri.Reer Shaawis waxay degaan Xamar degmada Shangani, Xamarweyne iyo C/casiis.

3=Reer Cumar oo ah dad asalkooda ka soo jeedo Qabiilka loo yaqaan Garre oo ah qabiil somaliyeed,waxay degan Xamar iyo Marka.Reer Cumar waa qabiilka 2aad ee ugu weyn Reer Maanyo waxayna degaan Xamarweyne,Shangani,C/casiis iyo Marka cadeey.

4=Reer Caafi oo ah dad asalkooda ka soo jeedo qabiilka Dir/Qubeys.  waxay degaan oo kaliya Xamar Shangani iyo C/casiis, Reer Caafi waa qabiil Somali ku abtirsado taasi ayaana u sabab ah in dadkooda badan ay degan yihiin deegano kale.

Marko Shabeelada Hoose:

1=Reer Macow oo aan kor kusoo sheegnay asalkoda halka ay kaso jeedaan

2=Reer Cumar oo aan Kor kusoo sheegnay asalkooda wuxuu yahay

3=Reer Xaaji oo ah dad asalkoda ka so jedo Qabiilka Garre ayaa ah dad Markii danbe soo Galay ama kusoo biiray Qabaa’ilada  Reer maanyo,Reer Xaaji waxay degaan Marka/Shabeelada hoose waxayna dhaqan iyo dhalashaba wadaagaan Reer Cumar.

4=Reer Xasan oo ah dad asalkooda ka soo jeedo qabiilka Shiikhaal ama reer Aw xasan. Reer Xasan waxay degaan Marka shabeelada hoose,waana qabaa’ilada markii danbe ku soo biiray Magaca Beelaha ku midoobay reer Maanyo

Qabaa’iladan ku midoobay Magaca reer Maanyo waxa ka dhaxeeyo xiriir walaaltinimo,mid Guur iyo mid dhaqanba. Reer maanyo waa dad leh taariikh aad u fog,Taariikhdoodana waxa laga heli karaa Library Talyaniga gaar ahaan Library qadiimiga ah ee ku yaalo magaalada Bologna .Qeybta danbe la soco Taariikhda Reer Maanyo iyo Dekadii Ex furdo.

2 thoughts on “Side Ayuu ku Baxay Magaca Reer Manyo?

  1. Waad qaladan tahay Rer xaaji asalkood Ma ahan garre Rer cumar dhaqan Ma wadaanaa. Dhalashone Ma wadaano Rer xaaji asalkood Waa shiikhaal jaziiro ayey ka so jeedaa e isa sax

    Liked by 1 person

    1. Asc aad ayaad u mahad san tahay walaal aniga waxan la kulmay odayada beeshan Reer Xaaji oo aan ka wareystay asalkooda halka ay kaso jeedaan ayaga ayana ii sheegay, horeyna waa u maqlay shiikhaal jazira iyo asharaf ba in lagu tilmaamay beeshan waxana soo xaqiijiyey oo odayadood ii shegeeen inay Garre yihiin

      Like

Leave a comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.