Taariikhda Dekadii Hore ee Xamar

Hadaan dib u eegno Taariikhda deegaanka Banaadir ama Xamar waxa la wada ogyahay inay aheyd magaalo uu ka jiray Ilbaxnimo weyn iyo Ganacsi sida ay wada sheegeen ragii badmaaxda ahaa ee soo maray iyo dadkii somalida ahaaba.Xamar waxay laheyd deked ay ka dhoofiyaan ayna kusoo degsadaan ganacsigooda (Export and Import).Gumeystahii Portuguese (Vasco Da Gama)  markii uu soo weeraray dhulka somalida wuxuu ugu horeyn isku dayey inuu gacanta ku dhigo dekadii Magaalada Baraawe 1537 oo waqtigaas ay jirtay saldanadii Ajuuraan.Markii Saldanadii Ajuuraan ayadoo garab ka heleyso Quwadii Cusmaaniyiinta ee waqtigas ka talin jirtay dhulalka North Africa iyo Carabta ayaa u suuro gashay in ay ka adkaato Portuguese kana saartay.Suleyman I ayuu ahaa hogaamiyahii Osmaniyiinta ee markab dagaal “navy”usoo diray  xeebaha Somaliya si uu ugu gacan siiyo dagaalkii ba’naa ee uu gumeystaha Portuguese kusoo qaaday dhulka Somalia. Waxana halkaas ka biloowday xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeyey Boqortooyadii Osmaniyiinta iyo Somaliya. Boqortooyadii Osmaniyiinta oo Taariikhdeeda ilaa waqtigan ay ka muuqato goobo ka tirsan Somalia waxana ka mid ah Mindhaarada Sh C/casiis ee ku taalo Bada Lido.Somalia_o1800s Mindhaarada Sh C/casiis waa mindhaaro taariikhi ah waxana dhismahan loo adeegsan jiray ilaalinta xeebata iyo kontarolida doomaha imaanayo xeebaha Xamar.Mindharada waxa kori jirey rag aad u yaqaano xeebaha oo sida ciidan marines ah oo 24/7 isku bedeli jiray ayagoo xeran doorbino ay ku eegaan bada.Magaca Sh C/asiis waa masjidka yar ee ku dhinac yaalo mindharada . Dekadii Hore ee Xamar waxay aheyd dekada ugu dhaqdhaqaaqa badan oo dadkii deegaanka xamar noloshoda dhan ay ku tiirsaneyd.Waqtigaas ma jirin qalab dekada agabyada looga soo dejiyo waxa la isticmaali jiray Qoryo waaweyn oo la yiraahdo SHALAAN,qoryahas oo ay lahaayeen dad ganacsato ah ayaa dadka usoo dejin jiray una rari jiray xamuulada.

ex furdo

1887 waqtigaas oo gumeystaha Talyaniga joogay xeebaha east Africa ayaa arkay ganacsiga baahsan ee ka soconayo xeebaha xamar wuxuu ku gacan siiyey dadkii deegaanka Banaadir inuu u dhiso dekada ExFurdo oo aad u yareyd, Balaarinta iyo horumarinta dekadas ayaa sii kordhisay ganacsigii iyo wax soo saarkii dadka deegaanka Banaadir. waxa sii kordhay doomaha imaanayo kunasoo xeranayo dekadas. Dekada Ex furdo waxa gacanta ku heyn jiray rag Banaadiri ah oo ay taariikhdooda iyo magacyadoodba ay manta yaalaan Library dalka Talyaaniga.Talyaaniga wuxu dadkaan ugu yeeri jiray Gente de Marino( Reer Maanyo) oo ah magac ay ku mideys naayeen qabiilo badan sidan horey usoo sheegnay. Gumeystaha Talyaaniga ayaa ragii dekada Maamuli jirey u sameeyey Aqoonso ID Card uu kaga aqoon sado dadka kale taas oo u saamixi jirtay inay xili walba socon karaan gaar ahaan habeenkii oo socodka mamnuuc ahaa.1918 ayaa mar labaad Talyaaniga oo dalka somaliya gumeysanaayey waqtigaas ayaa hadana dhisay Ex Furdo ka dib  heshiis ay  kala gaareen ragii maamulaayey dekada iyo Talyanigii, taas oo sababtay in dadkii deganaa Shangaani dhanka xeebta oo ahaa dadkii maamulaayey dekada  la burburiyo guryahooda, waxana loo raray dadkaas degmada Abdulcasiis Kambo Amxaaro oo waqtigaa Talyaniga u aheyd xero  ciidan amxaaro ah ku xareysan. campo-amnara

Leave a comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.